Puntland Oo ka mid noqotay maamulada guusha ka gaaray maamul wanaaga

0
isaabiyaha Guud ee Dawladda Puntland Abdirisak Saciid Nuur,(Faahim). Ayaa kooras Maamulka iyo maaraynta dhaqaalaha Dawladda waxay uga socotaa Jaamacada Harvard School of Government Boston USA.
 
Koorsadan ayaa ah mid sanadkii Hal Mar ay jaamacadani u qabato madaxda Sare ee dawladaha Ku hawlan dib u habaynta Maaliyadda (Public Financial Management Reform),
 
Koorsadan ayaa sanadkan waxaa ka Soo qaybgalay Xubno ka socda 32-dal oo aduunka isaga yimi kana kala yimid wadamada horumaray, kuwa hada humaraya iyo kuwo xaalad soo kabasho kujira.
 
Sidoo kale xisaabiyaha Dawladda Puntland ayaa ah xubinta Kali ah ee Mataylaysay Puntland iyo Guud ahaanba Somaliya.
 
Puntland ayaa horumar ka samaysay dhanka maamul wnaaaga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha,waxayna safka hore kaga jirta nidaamyada cagta saaray wadada maamul wanaaga.