Madaxweyne farmaajo oo kulamo wadatashi la qaatay culumada iyo odayaasha dhaqanka ee Caabudwaaq (sawiro)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulamo wadatashi ah kula qaatay magaalada Caabudwaaq culumada iyo odayaasha dhaqanka ayaa ugu baaqay in ay dardargeliyaan kaalinta ay ku leeyihiin nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada deegaanka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ay asaas u yihiin arrimaha dib u heshiisiinta, kaalin muhiim ahna ay ka soo qaateen samatabixinta dalka, balse haatan looga fadhiyo dhameystirka dadaallaadaas iyo sidii ay u horseedi lahaayeen xaqiijinta bulsho mideysan oo u jiheysan dhanka horumarka iyo wax wada qabsiga.

Kaddib is xog wareeysi ku saabsan caqabadaha la xiriira dib u heshiisiinta magaalada Caabudwaaq iyo talooyin ay soo jeediyeen waxgaradka uu la kulmay Madaxweynuhu, waxa ay isla garteen sidii loo yagleeli lahaa guddi ka shaqeeya nabadeynta iyo wadashaqeynta odayaasha dhaqanka magaalada Caabudwaaq iyo deegannada hoos yimaada.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay culimada ayaa bogaadiyey kaalinta ay ku leeyihiin wacyigelinta bulshada deegaanka, isagaoona ku ammaanay sida ay ugu taaganyihiin joojinta coolaadaha iyo khilaafaadka hareeyay nolasha iyo horumarka bulshada.