Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan magaalada Hobyo

0

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/llaahi Maxamed “ Farmaajo” iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Waxaana qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo si weyn looga dareemayaa magaaladaasi Hobyo

Sidoo kale waxaa la filayaa in maanta Madaxweynaha JFS uu dhagax dhigo dhismaha Dekedda Hobyo oo muhiim u ah shacabka deeganada Galmudug.

Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoona halkaasi la geeyay Ciidamo dheeraad ah oo xaqiijinaya amniga magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Waxaana magaalada ku sugan Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka oo isu diyaarinaya soo dhaweynta wafdiga Madaxweyne Farmaajo.