Madaxweynaha Oo Safarkiisa Galmudug Soo gaba Gabaynaya kuna Wajahan Saaka Magaalada Hobyo

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa Maanta Waxaa lafilayaa in uu gaaro Magaalada Hobyo oo uu halkaasi ka dhagax dhigo Dekeda Magaalada Hobyo oo dib udayactir lagu samaynayo.

Madaxweynaha oo safarkiisa saaka ku soo Afjari doona Magaalada Hobyo ayaa waxa uu xalay kuhoyday Magaalada Caabudwaq halkaas oo uu kulamo kula qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Diyaar Garowe xoogleh ayaa ka socda Magalada Hobyo halkaas oo maanta laga sugayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya.