Maamulka Hirshabeele oo adkeynaya Amniga waddada isku xirtay Balcad iyo Jowhar

0

Wasaaradda arrimaha Gudaha maamul gobolleedka HIrshabeelle ayaa sheegtay in ay siweyn loo adkeynayo Amniga Waddada xiriirisa Jowhar iyo Balcad kaddib dagaallo marar badan oo hora halkaa ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee maamulka Hirshabeele Maxamed Cali Caadle oo warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay xaaladii Amni xumi ee ka taagneyd waddada u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar wuxuuna sheegay in ay maamulkiisu arintaa soo afjaryo.

Waxa uu tilmaamay Wasiirka in hadda xalada amni ay tahay mid la isku haleyn karo marista wadadaasi, amnigana ay si buuxa gacanta ugu dhigeen ciidamada.

Hadalka Wasiirka wasaarada Arimaha Gudaha ee maamulka Hirshabeele Maxamed Cali Caadle ayaa imaanaya xilli maalmihii la soo dhaafay Waddada isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ay ka jirtay xaalaad amni daro,

Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa horaantii bishan la wareegay deegaanno isku xira labada degmo, taasoo keentay in uu yaraado isku socodka dadka iyo gaadiidka waddadaas, hasse ahaatee ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa howlgalka midowga Africa ayaa Al-shabaab kala wareegay Amaanka Waddadaas.