FAALLO:- Xaaf ma doraad iyo shalay ayuu qaldanaa mise maanta ayuu qaldan yahay?

0

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa waxa uu 24/08/2017 qoray warqadan uu Wasaarada Waxbarashada Dawladda Federaalka Soomaaliya uga codsanayo in Faraca Jaamacada ummada Soomaaliyeed ee Galmudug laga furo magaalada Hobyo. Hoos ka Akhriso.

Xaaf ma doraad iyo shalay ayuu qaldanaa mise maanta ayuu qaldan yahay?

Sida aad ku aragtaan sawirradan Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu weheliyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf, waxa ay shalay dhagax dhigeen Faraca Jaamacada Ummada Soomaaliyeed ee Galmudug in laga furo magaalada Caabudwaaq, Taas oo uu si sharci ah ugu dhawaaqay doraad Gudoomiyaha Jaamacada Ummada Soomaaliyeed Dr Maxamed Axmed Jimcaale. Hoos ka daawo

Xaaf ma doraad iyo shalay ayuu qaldanaa mise maanta ayuu qaldan yahay?

Xaaf ma doraad iyo shalay ayuu qaldanaa mise maanta ayuu qaldan yahay?

Xaaf Maanta oo taariikhda tahay 23/01-2018 ayaa waxa uu soo saaray warqadan kale ee uu leeyahay Faraca Jaamacada Ummada Soomaaliyeed ee Galmudug waa magaalada Cadaado. Hoos ka akhriso

Xaaf ma doraad iyo shalay ayuu qaldanaa mise maanta ayuu qaldan yahay?

Dhamaan Waxgaradka Galmudug ayaa waxa ay isweydiinayaan Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf “Xaaf ma doraad iyo shalay ayuu qaldanaa mise maanta ayuu qaldan yahay?” marba haddii uu sidan u dhaqmayose, Sidan miyuu doonayaa in uu ku hogaamiyo maamulka iyo dadka reer Galmudug?

Isku soo wada duuboo dhacdooyinkan badan ee isbiirsaday markii laga eego iyo xaalada xiligan uu ku sugan yahay hogaanka Maamulka Galmudug, soo caqliga saliimka ah ma dhigayo in si deg deg ah loo bad baadiyo maamulka Galmudug, iyadoo laga bad baadinayo Axmed Ducaale Geelle Xaaf inta uu isku dilin ama colaad ka dhex hurin dhamaan deegaanada iyo shacabka reer Galmudug.

W/Q: Nuur Ugaas
Email. nurugas@gmail.com