DHAGEYSO:-Maxaa ka soo baxay Madaxweyne farmaajo oo kulamo wadatashi la qaatay culumada iyo odayaasha dhaqanka ee Caabudwaaq ?

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulamo wadatashi ah kula qaatay magaalada Caabudwaaq culumada iyo odayaasha dhaqanka ayaa ugu baaqay in ay dardargeliyaan kaalinta ay ku leeyihiin nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada deegaanka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ay asaas u yihiin arrimaha dib u heshiisiinta, kaalin muhiim ahna ay ka soo qaateen samatabixinta dalka, balse haatan looga fadhiyo dhameystirka dadaallaadaas iyo sidii ay u horseedi lahaayeen xaqiijinta bulsho mideysan oo u jiheysan dhanka horumarka iyo wax wada qabsiga.