Deg Deg :Madaxweynaha Puntland Oo Shir Deg deg ah isugu yeeray Golaha Wasiirada ee Puntland

1

Xarunta Madaxtoyada Puntland ee Magaalada  Garoowe  Waxaa haatan ka socda kulan Xaasaasi ah oo u dhaxeeyay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas  iyo Golihiisa Wasiirada .

Shirkan Deg dega ah ayaa waxaa looga hadlayaa xiisada ka taagan deegaanka Tukaraq ee Gobolka sool oo ay gacanta kuhayaan Malayshiyaadka Soomaaliland.

Shirkan udhaxeeyay Madaxweynaha iyo Golihiisa Wasiirada ayaa sidookale Waxaa ka soo qaybgalay Saraakiisha Ciidamada hogaamniyasa si ay Madaxweynaha ugalahadlaan qaabka uu noqonayo hanaanka  daagaal ee lagu xoraynayo Gobolka Sool .

 

Shirkan ayaa sidookale Waxaa diirada lagu saaray Safarkii shalay uu ku yimid Magaalada Tuukaraq Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Soomaliland C/raxmaan Saylici oo shalay sheegay in ciidamada Soomaaliland ay kusii siqi doonaan inta ugaharsan Xuduudkooda .

 

kulankan ayaa lafilayaa in laga so saaro goodhaw go,aano ay Madaxda isku raacaan.

Halkan kala soco wixii ka soobaxa kulankan .

 

Comments are closed.