Daawo Sawirrad:-RW Kheyre Oo shir Muhiim ah uga qeyb galayo Switzerland

0

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo shalay u ambabaxay dalka Switzerland ayaa Maanta waxaa la filayaa in dalkaas uu uga qeybgalo shir looga hadlayo dhaqaalaha Aduunka.

Shirkaan ayaa mudo 30 Sano ah kadib waxaa lagu Casuumay Soomaaliya oo uu u malayo Ra’iisul Wasaare kheyre,waxana sidoo kale ka qeybgalaya madax kale oo Afrikaan ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya Wasiiro iyo xildhibaano,waxaana la filayaa in uu kulamo gooni gooni ah la qaato Madaxda Afrikanka ah ee shirkaasi ka soo qeybgalaya.

Magaalada Davos ee dalka Switzerland ayaa waxaa iminka ku sugan in ka badan Madaxda 120 dal oo shirkaasi lagu Casuumay kaas oo looga hadlyo dhaqaalaha Aduunka waxa uuna socon doonaa mudo Saddex Cisho ah.

Madaxda shirkaas ka qeybgaleysa ayaa waxa ay ka hadli doonaan sidii loo kordhin lahaa Dhaqaalaha Aduunka loogana hortegi lahaa Dhaqaali yarida,iyada oo dowladda Soomaaliya ay qeyb ka tahay dowladdaha sheegay in uu kordhay dhaqaalaheeda.