Xiisado dagaal oo ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Sanaag

0

Wararka laga helayo gobolka Sanaag ayaa sheegaya in xiisad dagaal ay ka taagan tahay deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Waxaana xiisadan ay u dhaxeysaa Maleeshiyo Beeleed Walaalo ah oo wada daga deegaan deegaanka Darar Weyne ee gobolka Sanaag.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Xiisadani ay Salka ku heyso dilal la xariira Aanooyin Qabiil oo ka dhacay gobolkaasi.

Balse Odayaasha Dhaqanka ee Soomaaliland ayaa la sheegay in ay wadaan dadaalo Nabadeed oo ku aadan , sidii xal looga gaari lahaa colaadaasi.

Waxaana shalay dagaal xoogan uu ka dhacay deegaankaasi Darar Weyne, kaas oo ay  ku dhinteen 10 Qof, halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen.