Sawirro:-Golaha Horumarinta Qorsheynta Qaranka oo maanta shir uga furmay Muqdisho

0

Golaha Horumarinta Qorshaha Qaranka Soomaaliyeed  ayaa maanta shirkooda caadi ahaa ee bishii mar ay isugu  yimaadaan ku yeeshay magaalada Muqdisho,kaasi oo ay ka soo qeyb galeen Wasiirada Qorsheynta Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Dowladda dhexe.

Waxaa kullanka diiradda lagu saaray Qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin hanaanka wadajirka ah fulinta mashaariicda dalka iyo sanadka saddexda qodob ee ugu muhiimsan ee Dowlad Goboleedyada laga fuliyo.

Kullanka markii uu soo idlaaday ka dib ayaa waxaa warbaahinta faah faahin ka siiyay waxyaabihii looga hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Soomaaliya C/qaadir Aadan Maxamed oo sheegay in kullanka mudada uu socdo si wada jir ah loo eegi doono mashaariicda la doonayo in laga fuliyo deegaanada Dowlad Goboleedyada iyo in iyagana ku biiriyaan kaalintooda kaga aadan shirka.

Sidoo kale,waxaa kullanka ka hadlay Wasiirada Qorsheynta Maamulka Goboleedyada dalka waxayna si qoto dheer ah u faah faahiyeen dadaalada ka socda deegaanadooda iyo sida looa jawaabay abaaraha,waxayna sidoo kale tilmaameen iney jiraan mashaariic hadda laga fulinayo oo ay garwadeyn ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kullanka oo socon doona labo maalin ayaa ka qeyb galayaasha waxay ugu danbeyn soo bandhi doonaan aragti mideysan oo laga qaadanayo qodobada muhiimka ah ee looga hadlayo.