Ra’iisul wasaare Kheyre oo maanta u ambabaxay Dalka Switzerland

0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha XFS  Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta u ambabaxay dalka Switzerland.

Ra’iisul wasaaraha ayaa magaalada Davos ee dalka Switzerland uga qeyb galaya shirka Madasha Dhaqaalaha Adduunka oo dhaawan ka furmaya dalkaasi.

Shirkan ayaa qaadan doono Muddo 3 Cisho ah, iyadoona diirada lagu saarayo arrimaha Dhaqaalaha ee Adduunka.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa khudbad ka jeedin doono shirkaasi, taas oo uu uga hadlayo horumarka dhaqaale ee Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay uu mas’uul Soomaaliyeed ka qeyb galayo shirkaasi, tan iyo markii ay burburtay Dowladdii Dhexe ee dalka.