Madaxweyne Farmaajo oo maanta tagaya Cadaado iyo Hobyo

0

Safarka Madweynaha Soomaaliya ee Gobollada Dalka ayaa la filayaa in maanta la soo gaba gabeeyo iyada oo Madaxweynaha uu maanta tagayo Magaalooyinka cadaado iyo Hobyo oo ka kala tirsan Galguduud iyo Mudug.

Madaxweyne Farmaajo qaar ka mid ah Wafdiga la socda sida saxaafadda Madaxa banaan ayaa maanta magaalada Muqdisho dib ugu soo laabanaya,waxaana Labada Magaalo ee uu booqanayo ku wehliya Madaxda Galmudug.

Madaxweynaha waxaa la filayaa in uu Cadaado kula kulmo Odayaasha Magaalada oo saluug ka keenay in Maamulka Galmuudg uu u guuro Caasimaddiisa Dhuusamareeb.

Safarka Madaxweynaha ayaa qaatay 15 maalmood,waxaana uu socdaalkiisa ka billaabaya Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland,isaga oo booqday magaalooyin badan oo Puntland ka mid ah sidoo kale waxaa uu booqday Magaalooyinka Galmudug oo uu ilaa hadda ku jiro.