Madaxweyne Farmaajo oo guddi u saaraya beelaha ku dagaallamay Cabudwaaq

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in uu sameynayo guddi ka shaqeeya dhameynta colaadda beelaha ku dagaallama Cabudwaad iyo degaannada hoostaga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Odayaasha iyo waxgaradka degaanka looga baahanyahay in ay ka shaqeeyaan nabadeynta degaanka islamarkaana laga doonayo in ay ka shaqeeyaan joojinta colaadda sokeeye.

Waxaa uu sheegay in Wafddigiisa aysan ka tageyn Cabudwaaq iyaga oo aan sameyn Guddi farsamo oo laga dhex xulo Odayaasha iyo waxgaradka Magaaladass

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ugu baaqay in uu maamul u dhiso Magaalada Cabudwaaq ee Gobolka Galguduud.

Cabudwaaq,waxaa ay ka mid tahay Magaalooyinka ay ku laa laabteen dagaallada sokeeye,waxaana dhowr jeer ku dagaallamay malleeshiyo hubeysan.

Waxaa uu Madaxweyne Farmaajo ku baaqay in Magaalada noqoto Magaalo loo simanyahay isaga oo xusay in Magaalo hal qabiil degganyahay aysan waligeed horumareyn.