Madaxweyne C/wali Gaas Oo Xililka ukala Wareejiyay Agaasime yaal Guud

0

Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa maanta oo isniin ah waxa uu xililkii ukala wareejiyay Agaasime yaashii Guud ee Wasaaradaha Waxbarashada iyo Cadaalada.

Madaxweynaha ayaa Waxa uu Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada umagacaabay Maxamed Cali Faarax oo horay u ahaa Agaasimigii guud ee Wasaarada Cadaalada Diinta iyo Awqaafta.

Madaxweynaha ayaa sidookale  C/risaaq  Cismaan  oo ahaa Agaasimihii Wasaarada  Cadaalada  u wareejiyay  Wasaarada Wax barashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlada Puntland sida uu Maanta uxaqiijiyay Sarkaal ka tirsan Madaxtooyad Puntland ee Garoowe Warbaahinta Allgalgaduud.com.