Faah faahinno ka soo baxaya Iska hor imaad ka dhacay degmada Kaaraan

0

Ciidamo ka wada tirsan kuwa DFS ayaa maanta ku dagaalamay qeybo ka mid ah degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Iska hor imaadkan ayaa la sheegay in uu yimid, kadib markii uu shaki soo kala dhexgalay Ciidamo ku sugnaa Naaxida Saldhiga degmadaasi Kaaraan.

Goobjooge la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dhimatay mid ka mid ah Haweenka ku Ganacsada Suuqa degmada Kaaraan, sidoo kalena uu dhaawac soo gaaray Nin kale oo shacab ahaa.

Waxaana uu tilmaamay in mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmadaasi ay goobta soo gaaareen, islamarkaana haatan xaaladdu ay tahay mid dagan.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Maamulka degmada Kaaran oo ku aadan Iska hor imaadkaasi.

Balse Inta badan waxaa Muqdisho ka dhaca iska hor imaadyo u dhaxeeya Ciidamada DFS, kuwaas oo ay waxyeelo ka soo gaarto dadka Rayidka ah ee aan waxba galabsan.