DHAGEYSO : Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Dhagax Dhigaya Xarumo Muhiim Ah Kuna Wajahan Hobyo.

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo weli ku sugan degmada Cabudwaq ee Gobolka Galgaduud ayaa maanta la filayaa in halkaasi uu ka dhagaxdhigo xarumo muhiim ah.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Cabudwaaq Muuse Maxamed Axmed ayaa Dalsan u sheegay in madaxweynaha uu inta u dhaxeysa xananbuure iyo Bangeelle uu ka dhagaxdhigi doono Saldhig ciidan iyo sidoo kale Xarumo dadka lagu dhaqanceliyo oo gaar u noqon doonta Maamulka Galmudug.

Waxa uu sheegay in haatan uu Cabudwaaq uu ka socdo diyaar garoowga ku aadan dhagaxdhiga Xarumahaas oo laga dhisayo meelo ka baxsan Magaalada.

Wararka kale ay Dalsan heleyso Maanta ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha oo socdaalkiisa siiwata uu Maant tegi doono Magaalo Xeebeedka Hobyo ee uu shalay ka baaqsaday.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiye ku xigeenka Cabudwaaq.