Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo Oo wali ku jira Safarkiisa Gobolada Qaar ayaa sheegay in uu sameynayo guddi ka shaqeeya dhameynta colaadda beelaha ku dagaallama Cabudwaad iyo degaannada hoostaga.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Odayaasha iyo waxgaradka Deegaanka looga baahanyahay in ay ka shaqeeyaan nabadeynta Deegaanka islamarkaana laga doonayo in ay ka shaqeeyaan joojinta colaadda Sokeeye Gudiga ay dowladiisu u xilsaari doontana la shaqeyn doonaan.