DHAGEYSO:-Haweenka Puntland oo ka shiray Arimaha Dastuurka Puntland

0

Magaalada Garowe ee caasimada dawlada Puntland ayaa lagu qabtay kulan looga hadlayey Sidii doorwanaagsan ay haweenku ugu lahaan lahaayeen Dastuurka dawlada Puntland.

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Gudoomiyaha hay,ada Tag Foundation Marwo Caasho Gelle ayey ugu horayn ka sheegtay inay jiraan ururo badan oo kaalin muuqata aan ku lahayn Dastuurka Puntland.

Marwo Caasho Gelle Diiriye ayaa kamid ahayd dadkii waqtiga ugu badan galiyey arimaha Dastuurka xiligii la qorayey iyagoo ku taliyey xiligan in lagu daro Dastuurka qodobo si gooni ah uga hadlaya Haweenka.