DHAGEYSO : Gudoomiyaasha Degmooyinka G/Banaadir Oo Ku Kala Qeybsamay Xilka Qaadistii Taabit.

0

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay waxaa xilka looga qaaday Gudoomiyihii Gobolka Banaadir aahana Duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed,waxana xilka qaadistaas ku kala qeybsamay gudoomiyaasha degmooyinka Gobolkaan.

Xalay Gudoomiyihii Hore ee Taabit Muqdisho ayuu shir Jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay isaga oo aqbalay xilka qaadistii lagu sameeyay,uuna soo dhaweynayo gudoomiyaha Cusub,waxana Hoygiisa ku sugnaa tiro gudoomiyaal ah oo isaga taageersanaa sida aan ka helnay ilo xog-ogaal ah.

Dhinaca kale Gudoomiyayaasha degmooyinka Kaaraan,Xamarweyne, Deeyniile iyo kuwo kale oo hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir lana Sahqeyn doonaan.

Shalay muqdisho waxaa lagu qabtay munaasabad lagu soo dhaweynayay gudoomiyaha Cusub ee G.Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow,waxaana ku sugnaa qaar ka mid ah gudoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir oo taageero u muujinayay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Qaar ka mid ah Gudoomiyaasha degmooyinka G/Banaadir oo Warbaahinta la hadlay.