DHAGEYSO : Guddoomiyaha Cusub Ee G/ Banaadir Oo La Kulmay Taabid Cabdi Maxamed

0

Guddoomiyaha cusub ee Maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cismaan “Yarisow” ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyihii hore ee g/ Banaadir Taabid Cabdi Maxamed.

Waxaana ay ka wada hadleen arrinta isbadalka ee lagu sameeyey Maamulka gobolka Banaadir iyo qaabka ay u dhici lahayd Xafladda Xil Wareejinta.

Taabid Cabdi Maxamed Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ugu dambeyn uu ka qancay xilka qaadistii lagu sameeyay.

Waxaana uu ugu Hambalyeeyay Eng C/raxmaan Cumar Cismaan “Yarisow” xilka cusub ee loo Magacaabay.

Halkan hoose ka dhageyso Codka