DHAGEYSO:-Ciidamo Keenyaan ah oo bur buriyay xaruntii Shirkadda Hormuud ee Magaalada Ceelwaaq

0

Wararka ka imanaya Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ay Saldhig cusub ka sameysteen degmada ceelwaaq, waxaana ay gudaha u soo galeen dhawr Kiiloomitir Gudaha Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa waxa ay sii laban laabeen culeyska iyo cagajuglaynta ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed ee Deggan Gobolka Gedo, waxaana ay bilihii u dambeeyay ka wadday gudaha gobolkaasi dhul ballaadhsi xooggan.

Ciidamo Kenyan ah oo aad u qalabaysan islamarkaana hub culus wata ayaa waxa ay Xuduudda Soomaaliya gudaha usoo galeen waxaana dadku arkeen  ciidan dul hoganaya iyaga oo Saldhig ka samaystay Deegaanka Ceelwaaq oo 2Km u jirta Degmada Ceelwaaq sida uu sheegay Kornel Xasan Adam Biixi oo Ka tirsan Ciidanka Xoogga Soomaaliya ee Gedo.