Deg:Deg: Ciidamada Puntland iyo Soomaaliland Oo Tukaraq ku Dagaalamay iyo Madaxweyne kuxigeenka S/l Oo Tukaraq Tagay

0

Wararka naga soogaaray deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in goor dhawayd halkaasi ay is ku rasaaseeyeen Ciidamo katirsan Malayshiyaadka Soomaaliland iyo Ciidamada Dowlada Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in lasy ku adeegsaday  hubka culus kaas  oo laga maqlaayay  rasaasta  iyo hubka la is ku waydaarsaday dagalka Magaalada Tukaraq iyo deegaanada ku hareeraysan.

 

Afhayeenkja Ciidamada Puntland ayaa goor dhawayd gaaray jiida hore ee dagaalka oo ah halka ay ku dagaalamayaan Ciidamada Dowlada Puntland iyo Malayshiyaadk Soomaali diidka ah ee Soomaaliland.

 

Dhanka kale Warar ay helayso Warbaahinta ayaa sheegaya in Magaalada tukaraq uu soogaaray  goor dhawayd Madaxweyne kuxigeenka Maamulka lamagacbaxay Soomaaliland.

Wixii ku soo kordha warjan halkan kala soco