Ciidanka Kenya oo saldhig ka sameystay meel u dhow Ceelwaaq

0

Ciidamada dowladda Kenya ayaa sii wada culeyska ay ku hayaan dadka Soomaaliyeed ee deggan Koofurta gaar ahaan Gobolka Gedo,halkaas oo bilihii la soo dhaafay Kenya ay dhul ballaarsi dhinacs sohdinta ah ka wadday.

Ciidanka Kenya, ayaa xalay saldhig ka sameystay Deegaanka Ceelqalaa oo 2km qura u jira Degmada Ceelwaaq, iyagoona gudaha u soo galay illaa 3km.

Korneyl Xasan Aadan Biixi oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo, ayaa xaqiijiyay in ciidan qalabeysan oo kuwa Kenya ahi, ay soo deggeen Deegaanka Ceelqalaa.

“Xuduuda Somaliya 3km ayay gudaha u soo galeen Ciidamada Kenya oo wata gaadiidka gaashaaman ee dagaalka, kuna hubeysan hubka culus. Saqdii dhexe ee xalay ayay fariisin ka sameysteen Deegaanka Ceelqalaa oo 2km u jira Degmada Ceelwaaq.” Ayuu yiri Korneyl Xasan Aadan Biixi.

Korneyl Xasan Aadan Biixi, ayaa sheegay Ciidanka Kenya ee soo degay Deegaanka Ceelqalaa inaanay qayb ka ahayn Ciidanka Kenya ee ka tirsan Amisom.

“Markii ay soo badatay dhibaatada Ciidamada Kenya ka wadaan Degmada Ceelwaaq, ayaanu la xiriirnay Saraakiisha Kenyanka ah ee qaybta ka ah Amisom, waxayna noo sheegeen inaysan ciidamadan ka tirsanayn Amisom, isla-markaana ay ka amarqaataan Madaxweynaha Kenya, ujeedadooduna ay tahay inay qas iyo fawdo sameeyan.” Ayuu yiri Korneyl Xasan Aadan Biixi.

Dadka reer Ceelwaaq, ayaa is weydiinaya sababta ay Madaxda Dowladda uga hadli la’yihiin fara-gelinta qaawan, ay ciidankan ka wadaan deegaanada xadka dhaca.