Ciidamada Milateriga Kenya oo gudaha u soo galay magaalada Ceelwaaq

0

Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo wata Gaadiidka Gaashaaman ay gudaha u soo galeen degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee gobolka Gado ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidanka Kenya ay ka soo gudbeen Xadka dalalka Soomaaliya iyo Kenya, islamarkaana ay fariisimo cusub ka sameysteen duleedka degmadaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa Ciidamada Dowladda Kenya ku eedeeyay in ay dhibaato ku hayaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Dhawaan ayey ahayd markii Ciidamada milateriga Kenya ay Madaafiic ku garaaceen Ceelwaaq, taas oo waxyeelo ka soo gaartay dadka Rayidka ah ku nool magaaladaasi.