Ciidamada Masar oo Soomaali ku xirxiray Magaalada Qaahira.

0

Howlgalkaan oo ay sameeyeen Ciidamada gaarka ah ee Masar ayaa lagu soo qab-qabtay Soomaali gaareysa 14-qof oo isugu jiray Arday iyo Qaxooti.

Ciidamada ayaa wadooyinka Degmada Nasri City xiray kahor Howlgalka, waxayna gacanta kusoo dhigeen dadkaan Soomaalida oo ay Xabsiga u taxaabeen.

Soomaali ku sugan Masar ayaa sheegay in Howlgalkaan uu ahaa mid qorsheysan, sameeyeenne Ciidamada amaanka, kana duwaa howlgaladii lagu soo qabqaban jiray dadka sharci darada ku jooga dalkaasi.

Xaafadaha Soomaalida ay ku badan yihiin ayee ciidamada ku kordhiyeen howlgalada ay ka sameynayaan, waxayna dalka dib ugu soo celiyaan shaqsiyaadka aanan heysan sharciga Masar u ogolaanaya in ay joogaan.

Mid kamid ah Soomaalida Masar ku sugan ayaa warbaahinta u sheegay in si gaar ah Xaafadda Caashir uu howlgalkaan ugu dhacay, tirada intaa gaarayane lagu qab-qabtay.

Xukuumadda Qaahira ayaa horay u kordhisay howlgalada ka dhanka ah dadka ka tahriiba dalkeeda, waxayna ciidamo geysay Magaalooyinka ay ku badan yihiin Soomaalida iyo kuwa Xeebaha leh si ay ugu hortagto Tahriibka.

Si ay u yareeyaan ama ay usoo afjaraan howlgalka ka dhanka kooxaha wax tahriibiya, Ciidamada amniga Masaarida waxa ay qaataan howlgalo ay ku baarayaan dadka sharciga heysta iyo kuwa aanan Sharciga heysan.