Madaxweyna Oo Saaka Dhagax dhigaya Dhismaha Dekeda Hobyo

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa saaka waxaa lafilayaa in uu dhagax dhigo dhismaha Dekeda Hoyo.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo xalay ku hoyday Magaalada Cabudwaaq ayaa waxa uu kulamo la qaatay masuuliyiinta iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ee Magaaladaas,waxaana Maanta la filayaa in uu Magaalada Hobyo uu tago.

Madaxweynaha ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Sheekh Shaakir Cali Xasan,Wasiiro, Xildhibaano Iyo Madax kale.

Madaxweynaha ayaa safarkiisa lagu Wadaa in uu soo gaba gabeeyo una Amababaxo  sida ugu dhaqsiyaha badan Magaalada Muqdisho .