DHAGEYSO:-Sida loogu dhawaaqay xilka qaadistii gudoomiyaha gobolka banaadir

0

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid iyo Ku-xigeenadiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wareegto ku magacaabay Guddoomiye cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Eng Yariisow.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Yariisow ayaa la imaan doona Guddoomiyayaal cusub oo kala shaqeyn kara howlaha Qaran ee loo igmaday.

Yariisow ayaa la sheegay in magacaabidiisa kadib loo gacan galiyay shaxda dhismaha maamulka Degmooyinka, waxaana lasoo warinayaa in daaqada ay ka baxayaan Guddoomiyayaasha Degmooyinka, isla markaana lagu bedeli doono kuwo cusub.