DHAGEYSO:- Gudoomiyaha gobolka Kar-Kaar oo Baaq Deg deg ah u diray Puntland

0

Gudoomiyaha gobolka Kar-Kaar ayaa ka hadlay abaaro adag oo ka taagan gobolkaas kuwaas oo ku haysta dadkii u naqraacay labo sanno ka hor gobolka.

Gudoomiyaha gobolka Kar-Kaar C/laahi Maxamed Barre Warbaahinta Kula Hadlay magaalada Qardho wuxuu baaq u diray wasaarada arimaha gudaha dawladaha hoose iyo Hormarinta reer Miyiga ee dawlada Puntland isagoo ugu baaqay inay sahamin deg deg ah samayso gobolka Kar-Kaar.

C/laahi Maxamed Barre ayaa sidoo kale wuxuu xusay isaga oo hogaaminayo wafdi Hay,ado ah inuu dhamaan lagu kusoo maray meelaha ay ka taaganyihiin abaarta iyo Biyo la,aanta adag oo ay kamid tahay deegaanada aysan helin wax Roob ah.