Ciidamada Dowlada Afgaanistaan Oo Soo bad baadiyay 150 qof Oo lagu Weerar Hotel kuyaala Caasimada Afgaanistaan ee Kaabuul

0

Ciidamada dalka Afhaanistaan ayaa soo Afajaray saaka howlgalkii ay ku qaadeen Weerar kooxo hubaysan ay ku galeen Hotel caan ah oo ku yaalay dalkaasi Afgaanistaan Caasimadiisa kaabuul.

Ciidamada Sida gaarka ah utababaran ee Dowlada Afgaanistaan ayaa  Howlgalkan ku soo bad baadiyay 150 oo Hotelka kujiray halka 5 kamid ahaa dadkii hotelkaasi daganaa ay ku geeriyoodeen Goobta.

 

Koodii Weerarka soo qaaday ayaa qaraxyo iyo raas ka fuliyay Gudaha Hotelka waxaa Hotelka soogaaray Burbur laxaad leh.

Hotelka caanka ah ee la weeraray ayaa  waxaa lagu Magacaabaa Intercontinental,waxaana sidan oo kale 2011kii la weeraray ku dhintay 20 Qof, waxaana Mas,uuliyada Weerarkaasi sheegatay kooxda Daalibaan.