Taliyaha Ciidanka Xooga Gorod Oo Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timid Alle Ha U Naxariistee Taliye ku Xigeenkii Ciidanka Badda Soomaaliyeed

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye gaas C/wali Jaamac Gorod, ayaa Ehelada, Ummadda Soomaaliyeed iyo Taliska Ciidanka Xoogga uga tacsiyadeeyey Geerida ku timid Taliye ku xiggeenkii Ciidanka Badda Soomaaliya,  Ex Admiral Saciid Aadan Yuusuf oo Maanta Magaaladda Muqdisho lagu dilay.

Wuxuu Alle uga baryay in uu Janadii Fardowsa uu ka waraabiyo qoyskiisa iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo, Isaggoo sheegay in uu ahaa qof karti leh,  islamarkaana lagu yaqiinay gudashada waajibaadkiisa qaran, kuna amaanay dowrkii uu qaatay intii uu nolaa.