XOG : Odayaasha Cadaado oo wali diiddan heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna

0

Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta reer Cadaado, ayaa waxay weli ka biyo diidan yihiin heshiiskii ay dhawaan Galmudug iyo Ahlu Sunna ku kala saxiixdeen Magaalada Djibouti ee Xarunta Jabuuti.

Odayaasha iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, ayaa heshiiskaasi ku tilmaamay mid aan la aqali karin, iyagoo ku andacoonaya inuu khilaafsan yahay Dastuurka Galmudug.

Odayaasha iyo Siyaasiyiinta oo Isniintii la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa u sheegay in loo baahan yahay in dib loogu laabto heshiiskan, ka hor inta Magaalada Dhuusamareeb lagu qaban xafladda dhameystirka ee heshiiskaasi.

Soo jeedinta Odayaasha iyo Siyaasiyiinta reer Cadaado waxay ku soo biyo shubatay in qodobada qaarkood ee lagu heshiiyay wax laga bedelo, haddii la doonayo in la helo Galmudug mideysan. Madaxweynuhu waxaa uu u sheegay inay soo dhaweynayan soo jeedinta dadka reer Cadaado, waxna laga qaban doono cabashadooda, isagoona Taladadii u safray Magaalada Dhuusamareeb.

Iyadoo maanta lagu wado in Dhuusamareeb lagu qabto xafladda dhameystirka ee heshiiskii Ahlu Sunna iyo Galmudug, ayaa waxaa ka qaybgalkiisa ka horyimid Odayaasha Dhaqanka & Siyaasiyiinta Cadaado, oo ku doodaya inaanan weli waxba laga bedelin qodobada heshiiskaasi, siyaasi daraadeedna aanay u socon Dhuusamareeb.

Warar madaxbannaan, ayaa sheegaya in dadka reer Cadaado ay heshiiskaasi u arkaan mid liddi ku ah mabaadii’da iyo shuruucda ay ku dhisan tahay Galmudug, iyagoona Madaxweyne Xaaf ku dhaliilsan kasbashada Ahlu Sunna inuu u burburiyay qodobo dastuuri ah, isla-markaana aanu ilaalin wixii ay dadka reer Galmudug horey ugu heshiiyeen.

Dhanka kale gelinkii dambe ee Arbacadii, ayaa waxaa Degmada Cadaado gaaray wafdi Xildhibaano ah, oo uu horkacayay Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari), waxayse ku hungoobeen tan iyo xalay inay la kulmaan Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta ka biyo diidan heshiiskaasi.

Ilo wareedyo, ayaa sheegaya Khamiista maanta in ay suurtagal tahay in wafdigaasi ay la kulmaan Odayaasha Dhaqanka, balse aanay tagi doonin Dhuusamareeb, iyadoo aan waxba laga qaban cabashadooda.

Si kastaba ha-ahaatee ma muuqato biseyl ay Madaxda Dowladda Somaliya iyo kuwa Galmudug ay dib ugu laabanayan qodobadii lagu heshiiyay, maxaa yeelay waxaa la fahamsan yahay in juhdi xoogan uu kaga baxay soo xero-gelintii Ahlu Sunna.