XOG : Kulamo Gaar Gaar ah oo Xalay ka Dhacay M/Dhuusa-Mareeb.

0

Wararka saaki ka imaanaya Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in magaalada ay ka socdaan kulamo gaar gaar ah oo ku aadan qabsoomida shirkii lagu dhameystiri lahaa hashiis yadii u dhaxeeyay Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna.

Magaalada Dhuusa-mareeb xalay waxaa ka dhacay kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayeen labada dhinac ee Galmudug iyo Ahlusuna, kuwaasi oo looga hadlayay sidii maanta heshiiska loo dhameystiri lahaa iyada oo la isku calool fiyow yahay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xalay kulamo la qaatay dhinacyuada Galmudug iyo Ahlusuna, Odayaasha dhaqanka, wuxuuna u sheegay in muhiim in heshiiskan la dhameystiro si horey loogu sii socdo.

Waxaana maanta la filayaa in uu furmo shirkaas lagu dhameystirayo hashiisyadii horay loo gaaray kaas u dhaxeeya dhinacyada Galmudug iyo Ahlusuna, Waxaana Magaalada Dhuusa-mareeb ku sugan Madaxda Maamul Goboleedyada dalka, sida Madaxweynayaasha Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Madaxweynaha Galmudug oo marti loo yahay, waxaana Dhuusamareeb ka maqan Madaxweyne Axmed Madoobe, oo shirkan ka cudur daartay waxaa kaloo ku sugan Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan dowlada Fedraalka soomaaliya.