War Deg Deg Ah:-Barlamaanka Puntland oo ku Dhawaaqay Dagaal ka Dhan Ah Somaliland

0

Barlamaanka mamulka Puntland ayaa maanta yeeshay Kullan wadatashi iyo xogwareysi oo looga tashanayay xaalada colaadeed ee ka dhalatay dagaaladii ka dhacay deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool.
Dood dheer iyo falanqayn kadib, waxaa laysla qaatay qodobadaan hoos ku xusan:-
1: In la taageero qorshahamaamulka Puntland ku difaacayso dhulkeeda.

2: In barlamanka Puntland uu si dhow ula socdo xaaladda difaaca mamulka, waxaana loo magacaabay guddi gaar ah.

3: Waxaa muwaadiniinta Puntland lagu wargaliyay in ka qeyb qaadashada difaaca Puntland uu yahay waajib dastuuri ah, sidaas darteed waxaa loogu baaqay qof kasta oo reer Puntland ah inuu ka qeyb qaato difaaca maamul gobaleedka Puntland.

4: Waxaa ummadda Soomaaliyeed, beesha caalamka iyo cid kasta dananeysa amniga nabadda Soomaaliya ku wargelinaynaa in aaney Puntland diyaar u ahayn duullaan iyo colaad abuur, kana shaqeynayso nabadda iyo dariswanaaga ummada Soomaaliyeed, hase yeeshee ay waajib dastuuri ah ku tahay difaaca ilaalinta dhulkeeda iyo muwaadininteeda.

5: Dowladda Puntland waxay sheegtay wuxuu dhibaato iyo cawaaqib xumo ah oo ka dhasha Duullaankaas inay masuuliyaddeeda qaadayso maamulka Somaliland.

Dhamaad:- Warsaxaafadeedka Barlamaanka mamulka Puntland