Wakiilka QM ee arrimaha Soomaaliya oo gaaray Dhuusamareeb

0

Magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimadda maamulka Galmudug waxaa maanta gaaray wafdi uu hoggaaminayo Ergeyga gaarka ah Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Micheal Keating.

Wafdiga Keating ayaa waxaa ka mid ah Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, Wakiilka IGAD, Safiirka Itoobiya, iyo saraakiil kale oo QM ka tirsan.

Xubnahan waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusa-mareeb ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug oo uu ugu horeeyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.

Masuuliyiintan ayaa ujeedka ay u tageen magaalada Dhuusa-mareeb waxa ay tahay sidii ay goobjoog ugu noqon lahaayeen madasha lagu saxiixayo heshiiska dhameystirka ah ee Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna.

Magaalada Dhuusa-mareeb maanta waxaa ka dhacaya shirweyne lagu dhameystirayo heshiiskii ay Muqdisho ku gaareen Bishii December Galmudug iyo Ahlusuna, waxaana shirkan ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Maamulada dalka.

Ammaanka Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamo ka socda AMISOM ay ka qeyb qaadanayaan sugida ammaanka guud ee magaalada.