Shirka dhaqan gelinta heshiiskii Ahlu suna iyo Galmudug oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Dhuusamareeb

0

Waxaa goordhow magaalada Dhuusamareeb lagu soo gabagabeeyay shirkii lagu dhameystirayay heshiiska u dhaxeeyay Galmudug iyo Ahlu suna.

Shirweynaha ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Maxamed (Farmaajo), Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Madaxweynaha Galmudug oo marti loo yahay iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir,Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka hadlay shirka ayaa sheegay iney muhiim tahay hirgelinta heshiiska,islamarkaana si wadajir ah looga wada shaqeeyo midnimada Shacabka Galmudug.

Ciidamada ku jira Xerada 21-aad ee magaalada Dhuusamareeb oo ka tirsan Ahlu suna ayaa lagu wareejiyay Dowladda Soomaaliya,waxaana maanta booqday madaxweynaha Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa si rasmi ah looga taagay calanka maamulka Galmudug,waxaana madaxtooyada Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb ka shaqa bilaabaya madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.