Shir looga hadlaayo Howlgalka AMISOM oo ka dhacay Dalka Itoobiya.

0

Shirkan Oo Ka Dhacay Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya aya waxaa uu u dhaxeeyay Gudomiyaha Gudiga Amniga ee Midowga Africa Ambaasadoor Ismcaaiil Jeergu Iyo Saraakiisha Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa Waxana ay ka wada hadleen sida loo dar dargelinkaro howlgalka AMISOM.

War Saxaafadeed ay ka soo saareen Kulankooda kadib ayaa waxaa ay ku sheegeen in ay diirada ku saareen cabqabadaha dhinaca dhaqaalaha ah ee heysta AMISOM iyo sidii looga gudbi lahaa.

Waa lagama Maarman ah In loo Baahanyahay Dhaqaale loo helo howlgalkla AMISOM si dowlada Somalia gacan looga siiyo sugitaanka Amniga ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Mas’uuliyiinta kawada hadlay howlgalka AMISOM aya sidoo kale u mahadceliyay midowga yurub oo ay sheegeen inuu gacan ka geysanayano ka bixitaanka AMISOM gudaha Somalia oo bilaabatay sanadki tagay.