Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda oo lagu Toogtay Muqdisho

0

Waxaa goor dhow gudaha Dekedda weyn ee Muqdisho lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Saciid Mariino, waxaana la sheegay in Ciidamada Badda uu u qaabilsanaa Dekedda Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dilka sarkaalkaasi, iyadoona wararka qaar ay sheegayaan in uu dilay mid ka mid ah Ilaaladiisa, halka wararkale ay ku warramayaan in uu toogtay Taliye ku xigeenkiisii.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, kuwaas oo gacanta ku dhigay ruuxii ka dambeeyay dilkaasi.

Meydka Marxuumka ayaa la geeyay isbitaal ku yaalla xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Mana  jirto illaa iyo hadda wax faah faahin ah oo ay saraakiisha Laamaha Ammaanku  ka bixiyen dilkaasi.