Ra’isalwasaaraha Itoobiya oo gaaray Qaahira

0

Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Xeyla Maryam Desaleyn ayaa gaaray Magaalada Qaahira ee Xarunta Dalka Masar,iyada oo halkaas ay uga billaabatay booqasho rasmi ah.

Booqashada Ra’isalwasaraaha Itoobiya ee Dalka Masar ayaa waxaa ay la xiriirtaa muranka biya xireenka Wabiga Nile ee Dowladda Itoobiya ka dhiseyso Wabiga,iyada oo Dowladda Masarna aad u dhaliishay arrinkaas.

Wasiirka arrimaha dibadda Masar Samiix Shukri iyo diblomaasiyiin kale ayaa ku soo dhaweeyay garoonka Qaahira,waxaana ay la kulmi doonaan Madaxweynaha Dalka Masar C/Fataax Al sisi.

Dhawaan Dalka Masar waxaa sidoo kale booqday Madaxweynaha Dalka Eritrea Esayaas Afawarge,waxaana uu la kulmay madaxda dalka Masar.

Billowgii Bishan waxaa soo baxday in Waddamada Masar,Imaaraadka iyo Eritrea oo isku dhinaca ah ay isu diyaarinayaan dagaal ka dhan ah Itoobiya iyo Suudaan oo isku dhinaca ah.

hayeeshee Madaxweynaha Eritrea ayaa beeniyay in Ciidan Masaari ah ay joogaan dalkiisa waxaana uu beeniyay in qorshe dagaal oo ka socda Bariga Afrika uu jiro xilligan.