Madaxweyne Farmaajo oo bogaadiyay hawlaha dib u heshiisiinta Galmudug

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulamo wada tashi kula qaadanaya magaalada Dhuusamareeb qeybaha bulshada ayaa ku ammaanay culumada iyo dhallinyarada Gobalka Galguduud dadaalka ay ku bixinayaan nabadda iyo dib u heshiisiinta.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay dib dhexaad u yihiin qorsheyaasha hormarineed ee dowladda, gaar ahaan arrimaha dib u heshiisiinta, loogana baahanyahay in ay ka soo dhalaalaan kaalintooda maadama ay in ka badan 70% ka yihiin dhalinyaro shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha oo caawa kulan gaar ah la qaatay culimada ayaa bogaadiyey kaalintooda ku aaddan wacyigelinta bulshada deegaankan isaga oo ku ammaanay sida ay naf iyo maalba ugu hureen in laga cirib tiro deegaannada Al Shabaab.

“Markii laga hadlayo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, waxaad tusaale wanaagsan u tihiin gobollada kale ee dalka, waayo idinkoo kaashanaya dhammaan qeybaha bulshada deegaankan waxaad ku guuleysateen in aad cadoowgaas la dagaalantaan oo aad ka dabar gooysaan deegannadan.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalinkii saddexaad ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa wada dadaallo ku aaddan dardargelinta hawlaha dib u heshiisiinta iyo nabadeynta Galmudug.