Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Magaalada Dhuuso-Mareeb kaga qayb galay xaflada midaynta maamulada Galmudug iyo Ahlusunna-Waljameeca (sawiro)

0

Madaxwenaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  waxa uu magaalada Dhuuso-Mareeb kaga qayb galay dhamaystirka heshiiska maamulada Galmudug iyo Ahlusunna-Waljameeca.

Madaxwaynaha dawladda Puntland  oo ay safarkiisa ku welinayeen wasiirka arimaha gudaha ee dawladda Puntland, saraakiil katirsan Madaxtooyada dawladda Puntland ayaa waxa ay ku sugan yihiin maalintii labaad magalada Dhuuso-mareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

Xaflada munaasibada dhamaystirka heshiiska maamulka Galmudug iyo ahlusunna waljamaaca ayaa waxaa goob joog ka ahaa isaguna  Madaxweynaha DF Soomaaliya mudane. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, masuliyiin ka tirsan labada gole ee DF Somaaliya, safiirada wadamada Jabuuti, Kenya, Turkiga, Ethiopia, IGAD, EAU, EU iyo uqaabilsama arimaha Soomaaliya ee jimciyada quruumaha ka dhaxaysa Danjite  Michel Keeting.

Sidoo kale munaasibadan ayaa waxaa ka soo qayb galay ugaasyo, aqoonyahano, siyaasiin iyo bulshada rayidka ah ee dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka ah ee Soomaaliya, kuwaas oo dhamaantood soo dhaweeyey xeshiiskan lagu mideynayo gobolada Galguduud iyo qayb ka mid ah Mudug.

Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa soo dhaweeyay hishiiska maamulka Galmudug iyo ehlusunna Weljameeca, isla mar ahaatana ugu baaqay in La adkeeyo hishiiska ay wada gaareen.