Faah faahin: Qaraxyo ka dhacay J/Hoose

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo jidgal ah oo Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM lagula eegtay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Labadan Qarax oo nuucoodu uu ahaa Miinada dhulka lagu aaso meelaha fogna laga hago ayaa waxaa lala eegtay kolonyo kala duwan oo isugu jirtay Ciidanka AMISOM, gaar ahaan kuwa Kenya, kuwa Mareykanka iyo Ciidanka Jubbaland.

Ciidamada Qaraxa lala eegtay ayaa ka baxay magaalada Kismaayo, iyaga oo ku sii jeeday degaanka Buula-guduud, waxaana ay sahay Millitari u sideen Ciidamo kale, iyaga oo qaba dareenka ah in wadooyinka aysan amni ahaan wanaagsaneyn ayay mar qura ka war heleen qaraxyo.

Dadka degaanka ayaa inoo sheegay qaraxyadan in ay si xoogan u maqleen, kadibna mar qura ay ka war heleen rasaas fara badan oo afarta jiho ay u rideen Ciidamada qaraxa lala eegtay, taasi oo ay sheegeen in cabsi ay ku abuurtay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa waxa ay sheegayaan Ciidamada Qaraxa lala eegtay baaritaano ay sameeyeen kadib in ay dib ugu laabteen magaalada Kismaayo, maadaama ay la kulmeen weerar jidgal ah oo aysan fileyn.

War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegeen in qaraxydan ay ka dambeeyeen xoogag ka tirsan Shabaab, sidoo kalena khasaare naf iyo maalba ay ku gaarsiiyeen Ciidamada Huwanta ah.

Saraakiisha Ciidamada ee Maamulka Jubbaland weli ma aysan ka hadlin Qaraxyadan Shabaab ay sheegeen in ay la eegteen Ciidanka, khasaarana ay ku gaarsiiyeen.