Dowladda Soomaaliya oo baareyso burburinta kaamam barakac oo ku yaalla Muqdisho

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay baaritaan ku sameyneyso burburin loo geystay Kaamam kor u dhaafay 20 oo ay ku noolaayeen Qoysas ka soo Barakacay Abaaro iyo colaado ku dhuftay qeybo ka mid ah Soomaaliya.

Qaramada Midoobay iyo hay’adaha maxaliga ah ee ka howlgala Soomaaliya ayaa sheegay in Kaamamkaasi ay ku noolaayeen 4,000 oo Qoys oo ay dagaanayeen illaa 20,000 oo ruux kuwaas oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho.

Burburinta Kaamamkaas  oo loo adeegsaday Baldoosaro ayaanan horay loogu war gelinin dadka ku noolaa Xeryahaasi oo badankood ahaa Haween iyo Caruur, iyadoo aysan jirin goobo kale oo loo diyaariyay.

Mid ka mid ah shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in in uu arkay Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo si weyn ugu qeyb qaadanayay burburinta Kaamamkaasi.

Wasiirka qorsheynta iyo horumarinta dhaqaalaha Jamaal Xasan ayaa sheegay in ay aad ugu xun yihiin dhibaatada loo gaystay barakacayaasha laga burburiyey aqaladii ay ka daganaayeen duleedka Muqdisho isagoo intaasi ku daray in ay sameynayeen baaritaano la xiriira cidii ka dambeysay falkaasi.

Xafiiska isku xirka howlaha gargaarka bani’aadanimada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNOCHA ayaa sheegtay in ay musiibo weyn ahayd burburinta Xeryahaasi oo hooy u ahayd Qoysas badan oo saameyeen Abaaraha iyo colaadaha ka jira dalka.

Xiriiriyaha arrimaha gargaarka QM ee Soomaaliya Peter De Clercq ayaa xusay in Kaamamka la burburiyey ay ku yaaleen xarumo caafimaad iyo waliba iskuulo ay lacago badan ku bixiyeen dhismahooda dalalka deeqaha bixiya.