Dowladda oo baareysa qoysas laga barakaciyay xeryo ay degenaayeen

0

Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo shalay Muqdisho uga qeyb galay kulan looga hadlayay arrimaha bani’aadanimada ayaa ka sheegay in Dowladda Soomaaliya ay baareyso wararka sheegaya in qoysas si qasab ah xeryihii ay ku noolaayeen loogaga saaray.

Wasiirka Qorsheynta oo arrintan ka hadlaya ayaa yiri “Waxaan baaritaan ku sameeynaynaa sida dhabta ah ee ay wax u dhaceen, kadibna warbixinta aan ka sameyno ayaad ku arki doontaan waxa dhacay iyo sida ay u dhaceen.” Ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta Dowladda Federaalka.

2-dii January 2018 Peter de Clercq, Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya, ayaa sheegay in 23 degaan oo hoy u aheyd in ka badan 4,000 oo qoys la dumiyey, iyadoo halkaas lagu bur buriyey agab ay dadkaas lahaayeen iyo waxyaabo kale oo noloshooda asaasi u ahaa.

Wuxuu kaloo sheegey inaan la siin barakacayaasha muddo ku filan oo ay agabkooda uga qaataan goobihii ay degenaayeen ka hor intii aysan bur burin guryihii ay dadkaasi ku noolaayeen, waxaana hadda bannaanka fadhiya caruur, dumar iyo dad waayeel ah oo xeryahaas ku noolaa.

In ka badan laba milyan oo qof ayaa hadda ku barakacsan Soomaaliya guud ahaan abaarta iyo iskahorimaadka, oo ay ku jiraan hal milyan oo qof oo cusub oo barakacay 2017 oo keliya, taasoo ka dhigan saddex-meelood hal meel 6.2 Milyan oo qof oo u baahan gargaar bani’aadamnimo.