Dhageyso:-Wasaaradda Amniga Soomaaliya Oo ballan qaaday in ay taageeri doonto Ciidanka Puntland

0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/qaadir Saciid Muuse oo kormeer ku tagay qaar ka mid ah xarumaha Ciidanka Booliska magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa ka warbixiyay booqashadiisa.

Waxaana uu tilmaamay in deegaanadaasi ay u gaareen, sidii ay u ogaan lahaayeen baahiyaha ay qabaan Ciidanka Booliska Puntland iyo wax yaabaha ay u baahan yihiin.

C/qaadir Saciid Muuse Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in Ciidamada Booliska Puntland aysan heysan qalab dhamestiran oo ay ku shaqeeyaan.

Waxaana uu xusay in Wasaaradda amniga Xukuumadda Soomaaliya ay wax ka qaban doonto arrimahaasi .

Halkan hoos ka dhageyso Codka.