DHAGEYSO KHUDBAD : Xaaf oo Balan qaaday iney ka dhabeynayaan Midnimada Maamulka Galmudug.

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay bulshada deegannada Galmudug in ay kaalintooda ka qaataan dhaqan gelinta heshiiska mideynta Galmudug.

Madaxweynaha oo ka qeyb galayey munaasabad ku saabsan dhaqan gelinta heshiiska ayaa uga mahad celiyey dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Urur Goboleedka Wadamada Geeska Afrika ee IGAD kaalinta ay ka qaateen, isagoona sidoo kale bogaadiyey biseylka siyaasadeed iyo isu-tanaasulka ay muujiyeen Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Madaxweynaha Hadda ee Galmudug Axmed ducaale gelle xaaf ayaa sheegay dhankooda iney xoojinayaan qodobada heshiiskan.