Dhageyso:-DFS oo sheegtay in ay gacanta lagu dhigay 20 dagaalyahan oo ka tirsanaa Al Shabaab

0

Kulanka Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa waxaa shir guddoomiyay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Waxaana looga hadlay kulankan qodobo muhiim ah, sida xaaladda ammaan ee Dalka iyo arrimo kale.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Yariisow” oo kulanka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in warbixin ku aadaan xaaladda amni ee gobollada Shabeelaha Dhexe, Shabeelaha Hoose iyo Banaadir lAga dhageystay wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale.

Waxaana uu tilmaamay in howlgalladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay gobolladaasi lagu soo qab qabtay illaa iyo 20 dagaalyahan oo ka tirsan Al Shabaab.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.