Ciidamo Kenyaan ah iyo kuwa Mareykan ah oo qaraxyo lagula eegtay duleedka Kismaayo

0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo Miino oo Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Kenya Barqanimadii maanta lagu eegtay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Qaraxyadan oo labo ahaa ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday Kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen Ciidamada Difaaca Dowladda Kenya, xilli ay ku sii jeedeen Xero ay ku leeyihiin deegaanka Buulo Gaduud ee gobolkaasi Jubbada Hoose.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada Kenya ay la socdeen kuwa Mareykan ah, islamarkaana ay Sahay u sideen Xero ku taalla deegaankaasi Buulo Gaduud.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ee Ciidamada Kenya ka soo gaaray qaraxyadaasi.

Balse inta badan Al Shabaab ayaa weeraro dhabo gal ah ku qaada Ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gobollada Jubbooyinka.