Ciidamadii ugu Badnaa oo Abid oo Puntland geysay Tukuraq

0

Warar aad loogu kalsoonaankaro ayaa waxay sheegayaan in Ciidamadii ugu badnaa iyo tiknakadii ugu Badnayd ay gaareen Magaalada Tukaraq ee Gobolka Sool.

Saraakiil kusugan Jiida hiore ee Dagaalka oo ay usuura gashay Warbaahinta Allgal gaduud.com  in ay lahadlaan ayaa u sheegay in ay soo af jaridoonaan xuduudaha Puntland ay leedahay dib damena aan loosoo hawaysan doonin.

Saraakiishan  waxa ay sidoo kale ay sheegeen in ay Maamulka Soomaaliland marka  awoodooda l;a tuso ay ku calaacali doonaan wax kale.

Wararkale ayaa waxay sheegayaan in cabsdi xoogan ay soo wajahday maamulka Soomaalland ka dib markii ay sahankoodu u gudbiyeen cududa ay puntland keentay Tukaraq.

Waqti kasta filo in uu qarxo dagaal u dhexeeya Puntland iyo Somaliland.

lasoco wixii ku soo kordha warkan