Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland oo dhaq dhaqaaqyo ka wada G/ Jubbada Hoose

0

-Wararka laga helayo gobolka Jubbadada Hoose ayaa shaagaya in xiisado dagaal laga dareemayo degaano hoos yimaada magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi.

Ciidamada milateriga Dowladda, iyo kuwa Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa in Saakay dhaq dhaqaaqyo ay ka wadaan deegaanada Baarsaanguuni iyo Buulo Gaduud ee gobolkaasi Jubbada Hoose.

Waxaana la sheegay in xaaladdu ay tahay mid kasan, islamarkaana laga cabis qabo in dagaalo ay ka dhacaan halkaasi, maadaama Al Shabaab ay ku sugan yihiin nawaaxiga deegaanadaasi.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya xilli shalay duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka iyo dagaal u dhaxeeyay Al Shabaab iyo Ciidamada Dowladda uu ka dhacay deegaanka Baarsaanguuni oo 45 KM u jira magaalada Kismaayo ee xarunta g/ Jubbada Hoose.

Waxaana la sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland ay la wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi.

Balse markii dambe ay dib uga soo baxeen deegaankaasi, iyagoona Saakay markale dhaq dhaqqyo ka dhan ah Al Shabaab ka wada halkaasi.